Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Xoogaga Dowladda ka soo Horjeeda oo Xalay Weerar ku Qaaday Goob Lagu Caweynayey
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:234
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:105
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:93
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:417
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 30 2008
Xoogaga Dowladda ka soo Horjeeda oo Xalay Weerar ku Qaaday Goob Lagu Caweynayey
Written by Ali Moallim   
Monday, 30 June 2008

Muqdisho, (insidesomalia.org)- Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa Xalay weerar xoogan ku qaaday goob lagu caweyo oo ay ku tumanayeen dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar.

Inta la'ogyahay labo qof oo rayid ah ayaa ku dhaawactey, kadib markii Xoogaga ka soo horjeeda siyaasada Dowladda ay weerar ku qaadeen dhalinyarada isugujirtey raga iyo dumarka oo kucaweynayey tuulada Ceel geele oo hoos tagta Degamada Balcad ee Gobolka Shabelaha dhexe.

Wararka ayaa waxay intaasi kudarayaan in Xoogaga weeraray Goobta lagu caweynayey ay maqleen shnqarta Caweyeska, iyadoo la sheegay in iyagoo gadiid wada ay halkaasi ugu dageen kadibna ay ku leexdeen halkii uu caweyska ka dhacayay, waxayna raasaas ay fureen ku dhaawacmey labo qof oo rayid ah.

Labada ruux ee dhaawacmay ayaa waxaa ay kala ahaayeen wiil iyo Gabar kamid ah kuwii Caweynayey, waxaana dhaawacooda loo qaaday gudaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabelaha dhexe iyadoo dhalinyadradii kale ay halkaasi isaga carareen, kuwaasi oo qaar la sheegayo in ilaa iyo haatan ay maqan yihiin sida dadka deeganka ay u sheegeen Idaacada lokalka ah

Lama oga sababta dhabta ah ee ka danbeysa weerarka ay ku qaadeen Xoogaga ka soo horjeeda Dowalada goobtaasi, balse waxaa la sheegayaa in dhaq dhaaqyo burcad ay kula dagaalamyeen ay halkaasi ka wadeen.

Goobaha weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ay tahay goob ay inta badan ku caweeyaan dhalinyarada,waxaa inta badan halkaasi lugu tumaa ciyaarta Hidaha iyo dhaqanka, taasi oo marka aad wadada maraysid shanqarteeda si wayn looga Maqlayo wadada hareeraheeda,waxaana la'ogayn sababta kadanbeysa in rasaas ooda looga qaado dadka halkaasi ku caweynayay wallow ay Xoogag kasoo horjeeda ay marar badan halkaasi howl galo ay ka sameyn jireen iyadoo ay hareer socotay ciyraaha hidaha iyo dhaqanka.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >